Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha Rwanda oo booqasho rasmi ah ku tagay Djibouti

$
0
0
Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa maanta booqasho rasmi ah oo socon doonta muddo 48 Saacadood ah ku tagay magaala madaxda dalka Jabuuti ee Jabuuti. Madaxaweynaha Rwanda ayaa la sheegay inuu wada hadallo rasmi ah la yeelan doono dhigiisa dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle, iyadoo wada hadaladaasi la sheegay inay ka dhici doonaan Qasriga Madaxtooyada Jabuuti. Labada Madaxweyne waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha iskaashiga,  dhaqaalaha, Gamacsiga,iyo horumarinta Arrimaha Gobolka, waxayna gabagabada wada hadaladooda ka soo saari doonaan war murtiyeed ku saabsan qodobadii ay ku heshiyeen. Telefishinka dalka Jabuuti  ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha  Rwanda Paul Kagame ay tahay tii ugu horeysay ee uu ku tago dalka Jabuuti, waxaana la filyaa inay labada Madaxweyne ay kala saxiixdaan heshiisyo badan oo ay ka mid yihiin dhinacyada maalgashiga,Teknaloojiyada,Isgaarsiinta,sameynta guddi wada jir h ee labada dal  iyo in laga cafiyo dibolomaasiyiinta iyo shaqaalaha Visaha dal ku galka ah  ee labada Dawladood. Waxaaa xusid mudan in wafdi horudhac ah oo ay hogaamineysay wasiiradda arimaha dibadda dalka Rwnda ay maalinimadii shalay kulan la yeesheen wasiirka arimaha dibadda jabuUti iyagoo u kuurgalayey diyaarinta ajandaha la xiriira  booqashada uu maanta ku yimid Madaxweynaha Rwanda dalkaasi jabuuti.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles