Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxwaynaha Soomaaliya oo la kumay Dhaxalsugaha Abu-Dhabi+Sawirro

$
0
0
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kula kulmay magaalada Abu Dhabi Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Midoobay, Dhaxalsugaha Abu Dhabi ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan. Kulanka oo ka dhacay qasriga badda, ayaa looga wada hadlay xiriirka walaalnimo ee labada dal , qaabkii lagu xoojin lahaa, loona horumarin lahaa danaha labada dal. Intii kulanka uu socday ayaa lagu soo bandhigay iskaashiga  labada dal ee dhinacyada kala duwan sida mashaariic horumarineed oo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay fulineyso oo u dan ah shacabka Soomaaliyeed, si dib loogu dhiso hey’adaha qaran ee Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay dadaalka dowladdiisa ay ugu jirto la dagaallanka argagaxisada iyo si loo sugo amniga iyo deganaanshaha Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay in Soomaalida ay uga mahadcelinayaan Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta taageeradeeda joogtada waxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay mudnaan iyo tixgelin siinayaan aragtida wanaagsan ee Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta. Madaxwayne Farmaajo wuxuu carabka ku adkeeyay  tixgelinta uu u hayo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo hoggaankeeda taageerada xiriirka ah ee ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed xilligii adkaa , isaga qiray kaalinta wax ku oolka ah iyo midda sokeeyenimo ee Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu u haayo dalka [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles