Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Eng. Yarisow “Muhiimadda koowaad waxaan siinayaa taageeridda xornimo hadalka dalka Soomaaliya.”+Sawirro

$
0
0
Mogadishu, 02 April 2017 – Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ayaa maanta xafiiska kala wareegay wasiirkii hore mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” kadib xaflad si xeer sare ah loo agaasimay oo ka dhaqday xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu goobjoog yahay ku xigeenka ra’iisul wasaaraha, Mudane Mahdi Maxamud Guled (Khadar). Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Khadar ayaa sheegay muhiimada warbaahinta dalka iyo sidii bulshada wacyigelin buuxda looga sameyn lahaa arrimaha Musuqmaasuqa iyo dowlad wanaaga. Wasiirkii hore ee warfaafinta, Maareeye ayaa si niyadsan ugu mahadceliyay dhamaan shaqaalaha sida ay ula shaqeeyeen, wuxuuna ku dhiirigaliyay in ay la shaqeeyaan wasiirka cusub. Wasiir Maareeye, ayaa sheegay in “Eng Yariisoow uusan ahayn qof ku cusub Wasaaradda, maadaama uu sanadkii 2010 wasiir ka soo noqday isla wasaaradan, isla markaana uu soo qabtay xilal ay ka mid yihiin afhayeen xukuumadda, La taliye saree ee dowladda. Waxaanan aad ugu kalsoonahay in uu si buuxda u horumarin doono warbaahinta Soomaaliya.” Tan iyo markii si rasmi ah loo magacaabay wasiirka cusub, ayaa daneeyayaasha warbaahnta Soomaaliya iyo dadwaynaha Soomaaliyeedba aad u soo dhoweeyeen, iyagoo warbaahin kala duwan sida warbaahinta bulshada ku soo bandhigay dareenkooda, Waxay tani muujinaysaa in uu haysto kalsoonida dhamaan howlwadeenada iyo milkiilayaasha warbaahinta, iyagoo aaminsan in [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles