Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Taliska boliiska oo la wareegay amniga iyo xaaladda caafimaad ee wariye Hanad Cali Guuleed+Sawirro

$
0
0
Taliska ciidanka boliiska ayaa maanta la wareegay amniga iyo xaaladda caafimaad ee wariye Hanad Cali Guuleed. Hanad Cali Guuleed oo ka mid ah wariyaasha ka howlgalo mid ka mid ah warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa  1-da bisha Abriil  kooxo hubeysan kala baxeen gurigiisa oo kuyaala deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho. Kadib markii ay arrintaasi soo gaartay laamaha amniga ciidanka boliiska dalka waxaa la sameeyay baadi goob ku aaddan sidii loo heli lahaa wariyaha iyo kooxdii afduubatay. Gudoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada dagmada Afgooye ayaa sheegay in wariyaha uu ka fakaday kooxdii afduubatay isla markaana baadi doon ay sameeyeen ciidanka boliiska dagmada Afgooye  ka soo heleen meel dagmada Afgoye u jirta Shan kiilo mitir. Ciidanka ayaa gacanta kusoo dhigay Hanad Cali Guuleed oo aad loo jirdilay  isla markaana waxaa wariyaha loo soo dhaadhiciyay xarunta Kummanda boluusiyo halkaasoo ay ku sugnaayrrn taliyaha howlaha boliiska iyo saraakiil kale. Guddoomiyaha gobolka Shabelaha hoose iyo saraakiil boliis ah ayaa ku wareejiyay wariyaha Sareeyo guuto  Axmed Xasan Maalin oo ah taliayaha howlaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Maalin ayaa saxaafadda kula hadlay xarunta Kummaanda boluusiya isagoo sheegay in xaaladiisa caafimaad iyo amnigiisaba uu la wareegay ciidanka booliiska Soomaaliyeed , isagoona taliyaha durba u qaaday cisbitaal, maaddaama wariyaha jirdil [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles