Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay R/wasaare ku xigeenka Turkiga+Sawirro

$
0
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay R/wasaare ku xigeenka Wadanka Turkiga oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Mudane Maxamed C/laahi “Farmaajo” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Mudane Veysi Keynak R/wasaaraha Wadanka Turkiga ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa R/wasaaraha Turkiga uga mahadceliyay Booqashada uu maanta ku yimid Magaalada Muqdisho, iyo taageerada Ballaaran ee dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya. Veysi Keynak ayaa sidoo kale maanta Xafiisyadooda wuxuu kula kulmay R/wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles