Degmadda Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose waxaa Maanta laga-hirgaliyey Solar-ka ku shaqeeya Cadceeda ee habeenkii laga faa’iideysto iftiinka uu bixinayo. Hirgalinta arrintaas waxaa iska kaashaday Maamulka Degmadda Afgooye, Maamulka Gobolka Sh/Hoose, Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Dowladda Norway oo dhanka Dhaqaalaha ka taageereysay. Guddoomiyaha Degmadda Afgooye Cabdinaasir Cali Macalin Ibraahim ayaa sheegay in Nalalka ku shaqeeya Cadceeda ay wax badan faa’iido u leeyihiin Dadka Deegaanka ayna aad u soo dhaweynayaan cidkasta oo gacan ka siineysa horumarka Degmadda. Sidoo kale Guddoomiye Cabdinaasir Cali Macalin Ibraahim ayaa sheegay in Degmadda Afgooye loogu tala galay 70 Xabo oo ah Nalalka ku shaqeeya Cadceeda dhawaana lasoo gaban gabeyn doono in dhamaantood lawada shido. Maal Mihii Dambe Degmada Afgooye Waxa ku soo kor dhayay Horumarrada laga sameynayo in magaaladu ay noqoto mid Xilliga Habeenkii ah Ifta taas oo wax badan ay ka faa’iideen Bulshada. Ali Ahmed
↧