Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shir-madaxeedki IGAD ee Nairobi+Sawirro

$
0
0
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” ayaa khudbad ka jeediyay shir  madaxda dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD kaasoo lagu soo gabagabeey magaalada Nairobi. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay wax uga qaban laheyd sababaha keenay amni darrada iyo abaaraha dalka ku soo noqnoqday. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay hay’adaha ka shaqeeya samafalka iyo horumarinta in ay u guuraan Soomaaliya si ay u daboolaan baahiyaha taagan. “Waan dareensannahay duruufaha amni ee ka jira dalka, laakiin dalka intiisa badan waa nabad. Tijaabooyinkii hore waxaan ka barannay in marka ay hay’adaha ku shaqeeyaan gudaha dalka aad loo dareemo saameyntooda marka loo barbardhigo in ay ku shaqeeyaan meel ka baxsan dalka.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa qiray in xal waara oo loo helo qaxootiga ay u baahantahay in la dejiyo siyaasado lagu hagayo dib u dejinta, guriyeynta iyo isdhexgalka bulshada. “Ma aha wax sahlan, laakiin waxaan aaminsanahay in aan haysanno fursad aan kaga faa’iideysan karno jawiga wanaagsan ee ay abuurtay doorashadeyda.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa isku raacay in la qaato hab bulshada oo dhan ay ka qeyb qaadanayso taasoo lagu ilaalinayo xuquuqda qaxootiga, gaar ahaan dumarka, carruurta iyo dadka nugul. Madaxweynaha Jamhuuriyadda [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles