Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Culimada Soomaaliyeed Oo Baarlamanka ka Codsaday Meel Marinta Golaha wasiirada Cusub

$
0
0
Culumaa’udiinka Soomaaliyeed  ayaa  ka codsaday baarlamaanka federaalka Soomaaliya in ay meel mariyaan Xubnaha Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Keyre. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan  oo hadda ka mid ah xubnaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in marxlad adag ay ku jirto nolosha dadka Soomaaliyeed , iyadoo taas ay jirto ayuu kaga digay xubnaha Golaha Shacabka  inay ka horyimaadaan Wasiirrada Cusub ee baarlamaanka laga sugayo inuu meel mariyo. “Soomaaliya marxalad adag ayay mareysaa uma baahna in leys jiid jiido baarlamaanka waxaan leeyahay Naga daaya mooshinkaan la sheegayo Waxaan idinka Codsanayaa in aadan ka shaqeyn  dib u dhaca dalkiinna. “ Ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles