Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Cadan Axmed Suudaani oo ka hadlay doon lagu duqeeyay Xeebaha Yemen “Dhageyso”

$
0
0
Ugu yaraan 30 qof oo qaxooti Soomaali iyo ajaanib kale ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay xeebaha dalka Yemen kaddib markii gantaal lagu dhuftay dooni ay la socdeen. Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Cadan Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaan oo la hadlay Radio Muqdisho isaga oo howlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay inay jirto dhacda doonta la duqeeyay, balse ay iminka baadi goob ugu jiraan sidii ay ku ogaan lahayeen tirada Soomaalida ah ee ku dhimatay weerarkaasi. Axmed Suudaani ayaa sheegay in ilaha caafimaadka oo ay xiriir la sameeyeen loo xaqiijiyay in dad qaxooti ah duqeyn lagu dilay. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa waxa ay muujinayaan maydad daadsan doonta dusheeda, waxaana la soo badbaadiyay ku dhawaad 80 qof oo qaarkood dhawacyadooda lala tacaalayo. Qunsulka waxa uu ka hadlay dadaalka ay ugu jiraan soo daad gureynta Soomaalida ku xaniban gudaha dalka Yemen. Halkan ka dhageyso wareysiga http://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2017/03/waraysi-Qunsulka-guud-ee-Soomaaliya-ufadhiya-Magaalada-Cadan-Axmad-Cabdi-Xasan-Axmad-Sudaani-.mp3

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles