Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Pretoria ee Caasimada Dalka South Africa ayaa Lacag ugu deeqday Dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, ayada oo lacagtaana loo wakiishay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. Lacagtaan oo aheyd mid ay iska soo aruuriyeen Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Pretoria ee caasimadda dalka South Africa ayaa waxaa loogu talagalay in Jaaliyadda ay kaga qeyb qaadato gurmadka loo sameynayo shacabka Soomaaliyeed oo ay abaaraha ku habsadeeen ee ku nool gudaha dalka Soomaaliya. Waxaa fikirka lacag aruurintaan lahaa dhallinyarada Soomaalida ee ku nool magaalada Pretoria waxaana ka qeyb qaatay ganacsatada, odoyaasha dhaqanka, madaxda Jaaliyadda,iyo guddiga culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi. Xuseen C/laahi Cilmi oo ku hadlayay magaca dhalinyarada shaqadaan soo qabatay ayaa lacagta ku wareejiyay guddiga Jaaliyadda iyo odoyaasha waxaana uu Warbaahinta Qaranka u sheegay dareenka ku dhaliyay in howshaan ay qabtaan. ‘Waxaan u adkeysan waynay waxaa Soomaaliya ka dhacaya fakarkaan ayaa nagu dhashay dhallinyarada waa ay isku timid kadibna howshaan ayaa ku dhaqaaqnay”ayuu yiri Xuseen. C/laahi Sheekh Doon oo ku hadlayay magaca odoyaasha iyo sido kale Cabdifitaax Sayid ayaa ka hadlayay cadadka lacagta lagu wareejiyay iyo cidda ay u wakiisheen. “Cadadka lacagta ay hadda noo soo gacan galiyeen waxaa weeye $11,808, (Kow iyo toban [...]
↧