Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Qoysas ku soo barakacay degmada Kaxda oo kaalmo la gaarsiiyay “SAWIRRO”

Qoysaska maanta deeqda la gaarsiiyay ayaa ka  soo  barakacay abaaraha ka jirta qaar ka mid ah gobollada dalka, kuwaasi oo dhawaan soo gaaray degmada Kaxda ee gobolka Benaadir. Ururka dhallinyarada degmada Kaxda ayaa deeq ka kooban  raashin, dhar joodariyaal, sijaayado  iyo  Caagado gaarsiiyay qoysas ku soo barakacay degmada Kaxda ee ay saameysay abaarta ka jirta gobollada dalkeena. Guddoomiyaha  ururka  Dhallinyarada degmada Kaxda C/raxmaan C/laahi Abiikar ayaa  Warbaahinta Qaranka  u sheegay in deeqdaan ay tahay mid ay iska soo dhex uruuriyeen, ayna ka damqadeen dhibaatada heysata qoysaska ku soo baracay degmada,  isagoo  tilmaamay  in talaabadaan ay ka danbaysay   kaddib markii ay arkeen  Dhalinyarada Degmada  dhibaatooyinka  haysta  dadka walaalahooda  ee abaarta ka soo barakacay. Qaar ka mid ah dhallinyara Degmada Kaxda  oo ka hadlay madasha qaybinta  Deeqdaasi   ayaa muujiyay dareenkooda  ku aadan dhibaatada haysta dadkaasi iyo baahiyaha gaarka ah ee ay  qabaan.  Horjoogaha   Kaamka  Maanta  ay dhallinyaradu gaarsiiyeen  deeqda  gargaar ayaa uga mahadcelisay  dhallinyarada  Degmada  Kaxda doorkooda ku aadan ugur mashada dadka tabaalaysan  ee ku soo barkacay Degmadaasi,  iyadoo ugu baaqday dadka wax haysta inay gurmad la soo gaaraan qoysaska barakacay.     

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles