Midowga Macalimiinta dugsiyada Qur’aanka Soomaalida ee Wadanka Kenya ayaa ballan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaraha ku saameeyeen qeybo kamid ah gobollada dalka Soomaaliya. Kaddib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Nairobi Midowga Macallimiinta dugsiyada Qur’aanka ee wadanka Kenya ayay kaga hadleen qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsaneed doorka ay ka qaadan karaan u gurmashada dadka ay abaaraha baahsan ku saameeyeen qeybo ka tirsan dalka Soomaaliya. Kulanka oo ay ka sooo qeybgalay culumaa’udiin, dhalinyarro, aqoonyahanno, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa kaloo looga hadlay u diyaar garowga tartamada bisha Ramadaan ee ay qaban jireen midowga Macallimiinta dugsiyada qur’aanka iyo qodobo kale. Afhayeenka Midowga Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka ee wadanka Kenya , C/fitaax Sheekh Maxamuud Al-Cadaala ayaa si kooban u dulmaray ujeedada kulanka….Cod “Shirka waxaa ka soo baxay Midowga Macallimiinta dugsiyada qur’aanka Soomaaliyeed ee wadanka Kenya la xoojiyo, in musaabaqadii dhici jirtay bisha Ramadaan ay dhacayso Insha Allah, in dhammaan madaariista ku yaalla wadanka Kenya la dhexmari doono si aan uga qeyb qaadano u gurmashada dadka ay abaaraha ku saameeyen wadankeena, iyo in khilaafka la yareeyo wixii mad madow ah ee jirana la xallin doono Insha Allah” ayuu yiri Afhayeen Al [...]
↧