Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dad abaarta ku soo xoola beelay oo soo gaaray Caabudwaaq “SAWIRRO”

$
0
0
Waxaa magaalada Caabudwaaq soo buux dhaafiyay qoysas ka soo barakacay dhulka miyiga kaddib markii ay xoolahoodii ku waayeen abaarta  waqtigan ka jirta guud ahaan dalkeena Soomaaliya Mid ka mid goobaha ay deegaanka ka sameysteen dadka abaarta ku soo xooola belay oo uu maanta booqday Wakiilka wareedka Warbaahinta Qaranka ee Caabudwaaq ayaa halkaasi ku soo arkay dad u badan haween wata carruur aad u da’yar oo ay ka muuqato macluul iyo nafaqo daro Qaar ka mid ah dadkaan ayaa sheegay in ay ahaayeen reer miyi yaqaana dhaqashada xoolaha mudda badana ku sooo noolaayeen tacabka ay ka heli jireen xoolahooda, balse hadda ay ku adkaatay nolosha ay galeen oo ay ku sheegeen in ay tahay  mid ku xiran gacan beni’aadannimo oo aan badnay oo dadka ay martida u yihiin ka soo gaarta. Dadka qaar waxa ay ka soo tegeen ilmahoodii weli miyiga jira oo ay u awoodi waayeen inay jidka  soo wada maraan, waxaana ay codsadeen in gurmad deg deg ah lala soo gaaro. Xalwo Xasan Dirir oo ka mdi ah dadka soo dhaweeyay barakacayaasha soo gaaray degmada ayaa bulshada qeybaheeda kala duwan ka codsatay inay gacan ka geystaan sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu sameysay. Cabdikariin Axmed Bulxan

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles