Taliyaha booliiska Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sh. Xasan Xaamud ayaa kulanka uu la qaatay danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii ay dowladda Shiinaha u sii wadi lahayd taakuleynta ciidanka Boliiska iyo qalabka ay u baahan yihiin, si ay u horumariyaan howlaha amniga. Taliyaha Boliiska Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha dedaalka ay uga qeyb-qaadeyso dib u dhiska dalka,waxa uu intaa raaciyey in Boliiska ay joogaan waqtigii la iska kaashan Lahaa horumarintooda, labadii sanno ee u dambeysayna ay gaareen himilooyin fiican, laakiin ay lagama maarmaan tahay in dowladda Shiinaha ay xoojiso taageerada dhanka qalabka casriga ah iyo xitaa tababarrada, si loo helo Boliis isku filan. Ugu dambeyn safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Warsame Geel-hire, ayaa sheegay in Boliisku uu yahay ciidanka bulshada u adeegga muhiimna ay tahay in laga wada qeyb qaato horumarintooda, dowladda Shiinaha ayuu xusay in ay diyaar u tahay gacan siinta Boliiska si shacabka Soomaaliyeed degnaanshahooda iyo amnigooda loogu guuleysto. Sidii kale kulanka waxaa joogey Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
↧