Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

FAALLO:-Soomaaliya waxay galeysaa Marxalad cusub

Inta aanan u galin dulucda Faallada Maanta bal marka hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa Nin ceynkee ah? Maxamed Cabdullaahi farmaajo,waxa uu ku dhashay Muqdisgo sanadkii 1962-dii , dugsigiisa hoose dhexe iyo sare ku qaatay Muqdisho, wuxuu shahaadada B.A iyo M.A ka qaatay Jaamacadda New York ee ku taalla Buffalo sanadihii 1997-kii iyo 2000-kii. Farmaajo, waxa, Wuxuu ka soo shaqeeyay Safaaradda Soomaaliya uu ku lahaa dalka Maraykanka sanadihii 1986-kii ilaa 1989-kii. dhanka kale Wuxuu agaasime guud ka soo noqday hay’ad u dooda xuquuqda bulshada sanadkii 2002-dii taasi oo ilaaa 2010-kii uu ka shaqeynayay. Farmaajo, waa Ra’iisul wasaarihii ka noqday Dowladdii Ku meel gaarka aheyd, wuxuuna xilkaasi hayay muddo 6 bilood ah oo kaliya, muddadaasi ayuuna ku kasbaday quluubta dad badan oo Soomaali ah, Baarlamaan-kii ku meel gaar-ka ayaa Ansixiyay Maxamed Cabdullaahi farmaajo, 31-10-2010, Isagoona xilkaasi iska casilay 19-kii juun 2011, Kadib markii Shir lagu heshiisiinayay Madaxweynihii xilligaasi Shariif sheekh Axmed iyo Guddoomiyihii Baarlamaan-ka Shariif Xasan sheekh Aadan, Oo ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda lagu Go’aamiyay in laba shariif ay Awoodda qeysadaan, Farmaajana Cadaadis lagu saaro in uu is Casilo, Go’aankii Labada shariif madaxweynihii xilligaasi iyo guddoomiyihii Baarlamaanka, Waxaa si cad ugasoo hor jeestay Shacab-ka Soomaaliyeed, Iyagoona taageero u muujiyay [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles