Ururka Jaamacadda Carabta ayaa hambalyo usoo diray Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya ayagoo u rajeeyey in uu alle u fududeeyo Howsha hortaal. Xoghayaha guud ee jaamacada Carabta ayaa sidoo kale u hambalyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sida sharafta leh ee dimuqraadiyada ah oo uu ugu tanaasulay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaiya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo. Xoghayaha ayaa balan qaaday in ay si buuxdo ula shaqeyn doonaan Madaxweynaha Cusub ee la doortay isla markaana ay si wanaagsan usoo dhaweynayaan.
↧