Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxda Midowga Afrika oo doortay Guddoomiye cusub “SAWIRRO”

$
0
0
Wasiirka arimaha dibadda dalka Chad Moussa Faki Mahamat ayaa loo doortay guddoomiyaha midowga Afrika kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Addis Ababa oo ay ku shirsan yihiin hogaamiyeyaasha qaaradda Afrika. Moussa Faki Mahamat, ayaa heley 38 cod, isagoo ka guuleystay wasiirka arimaha dibadda dalka Kenya Amina Maxamed oo wareegii u dambeeyay isla soo gaareen. Ilaa shan murashax oo labo kamid ah dumar yihiin ayaa ku tartamayay jagada ugu sareysa midowga Afrika. Guddoomiyaha xilka ka degaysa oo ah  gabadh ka soo jeeda Koofur Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, ayaa xafiiska joogi doonta lixda bil ee soo socota kadib markii madaxda midowga Afrika ay ku guuldareysteen in bishii Luulyo ay doortaan hogaanka cusub. Shir madaxeedka midowga Afrika ayaa labada maalin ee soo aadan waxaa uu ka socon doonaa xarunta ururtooda  Addis Ababa, ayagoo arimaha ay ka hadli doonaan ay kamid tahay dib ugu soo laabashada xubinnimadeeda ururka Midowga Afrika wadanka Morocco kadib markii ay ka maqneyn muddo ku dhow 30 sano. Dalka Morocco, ayaa ururka Midowga Afrika ka baxday sanadkii 1984, kadib markii  Midowga Afrika ay aqoonsadeen madax banaanida galbeedka Sahara, kaas oo Morocco ay sheegayso in qeyb uu ka yahay wadankeeda. Midowga Afrika, ayaa waxaa ay taageereen in la mideeyo siyaasadda iyo [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles