Wararka ka imaanaya deegaanka Aw-diinle ee gobolka Baay ayaa waxaa uu sheegaya in in ka badan 15 ruux oo dadka deegaankaas ah ay geeriyoodeen halka tiro kale oo gaaraya kuntomeeyo ay la il-daran yihiin kadib markii dadkaas ay cabbeen biyo laga soo dhaamiyay mid kamid ah waraha ku yaala halkaas, sida mas’uuliyiinta deegaanka ay u xaqiijiyeen Radio Muqdisho. Guddoomiyaha deegaanka Aw-diinle C/laahi Maxamed Cumar, oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dhacdadan naxdinta leh ay ka dhacday deegaankaas, isagoo intaa ku daray in dadka ku xanuunsaday biyahaas ay cabbeen u qaadeen isbitaalka magaalada Baydhabo. Inkastoo, aan si rasmi ah loo xaqiijinin sababta keentay musiibadan dadka badan ay ku waxyeeloobeen, ayaa guddoomiyaha deegaanka Aw-diinle waxaa uu sheegay in maadaama abaar ay ka jirto deegaanka isla markaana warta ay biyo yarisay ay keentay in biyahaas isbedeleen.
↧