Xoghayaha Britain ee Arrimana Horrumarka Caalamiga Mudane Priti Patel ayaa u safartay Muqdisho 28th January 2017 halkaas oo ay dib-u-adkeysay muhiimadda ay leedahay iskaashiga UK la leedahay Soomaaliya. Wasiirka ayaa la kulantay Guddoomiyaha Baarlamaanka , barafasoor Maxamed Osman Jawari, Xiriiriyaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Peter de Clerq, hoggaanka AMISOM, hawlgalayaasha bani’aadamnimada iyo bulshada rayidka ah, si ay ugala hadasho horumarka Soomaaliya si loo helo Soomaaliya oo xasilan isla markaana wax looga qabto caqabadaha bani’aadamnimada ee hadda jira. Intii lagu guda jiray booqashada, Wasiirka ayaa ku dhawaaqday in Dowladda UK ay bixin doonto 10 milyan oo gini oo ah maalgelin bani’aadamnimo oo dheeraad ah si wax looga qabto baahida degdegga ah ee xaaladaha abaarta sii xumaanaya ee Soomaaliya. Taageeradan waxaa loo dhiibi doonaa iyada oo loo marayo saddex hay’adood ee Qaramada Midoobay (WFP, UNICEF, FAO) iyadoo loo isticmaali doono bixinta haqab-beelka cuntada, taageeridda nafaqada iyo adeegyada caafimaadka ee aasaasiga ah. Tani ayaa la filayaa in ay wax weyn ka bedesho nolosha kuwa ay abaaruhu saameeyeen. Xoghayaha UK ee arrimana Horrumarka Caalamiga Priti Patel ayaa tiri: “Malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya ayaa hadda ku nool xaalado quus iyadoo abaaruhu halis ku noqdeen nolosha iyo xasiloonida, taas oo ah sababta [...]
↧