Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Waddada Buundooyinka ee Muqdisho oo dib loo dhisayo-Sawirro

$
0
0
Waddada oo isku xirta  isgoysyada Ceel-Gaabta iyo Afasiyooni isla markaaasna loo yaqaano Waddada Buundoyinka ama Via-Moscow ee degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari  ayaa waxaa maanta dhagax dhigay dib u dhiskeeda gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho. Waddadan oo aan wax dayactir ah helin in ka badan 20 sano ayaa ah marin muhiim u ah isu socodka degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir, ayaa dowladda hoose ee Xamar waxaa ay go’aamiyeen in dib u casriyeyn lagu sameeyo isla markaana la saaro laami cusub. Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goobta dhagax dhiga ka hadlay waxa uu tilmaamay in WadDadan muda kooban lagu dhisi doono, isagoo kula dardaarmay bulshada SoomAaliyed in kaalin ka geestan bilic so celinta caasimada. Dhismaha Waddadan ayaa qeyb ka noqon doonta waddooyinka  dowladda hoose ee Xamar dib u dayactir ku sameeyay, waxaana duqa Muqdisho uu balan qaaday in dhammaan waddooyinka burbursan dib u habeyn lagu sameyn doono.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles