Kulankaan oo aay soo qaban qaabisay jumciyadda horumarinta Ardayda soomaaliyeed ayaa waxaa loogu hadlayay sida wax loogu qaban kara abaaraha ka taagan dalkeena soomaaliya. iyadoo ay ka soo qeyb galeen kulankaani aqoonyhano, salaadiin, jaaliyada iyo qaar kamida ah ardayda wax ka barata jamacadaha dalka sudaan . Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha jaaliyada soomaaliyeed ee dalka sudaan cabdi wali xasan xuseen waxaa uu ku booriyey shacabka Soomaaliyeed guud ahaan meel kasta oo ay joogaan oo ay ugu horeeyaan ganacsatada,qurba joogta iyo bulshada rayidka in dhexda loo xirto sidii dadkeenna loogu gurman lahaa. Sido kale waxaa ka hadlay kulanka suldaan kamaala iyo suldaan cali oo ka mid ah salaadiinta soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka sudaan waxey sheegen in loo baahanyahay Alle Barri badan iyo in salaado la tukado, iyagoone baaq u diray cid walba oo wax heysta inay samata bixiyaan walaalahood. Kulankaan Uu shir gudominaayay Gudoomiyaha jumciyadda horumarinta Ardayda soomaaliyeed Eng Cabdisamad Cabdiraxman ”Maleysiya” Ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyeed ka koobnaa ilaa iyo lix qodob waxaane ka mid ahaa war murtiyeedkaasi. In la sameeyo guddiyo isku dhaf ah oo matalaya qeybah kala duwan ee bulshada si loo caawiyo dadka abaraha saameysay ayadoo lala kaashanayo guddiyada jira ee heerka qaran iyo [...]
↧
Kulan looga hadlaayay wax ka qabashada abaaraha ka taagan dalka soomaaliya ayaa lagu qabtay Khartoum
↧