Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Kulbiyow ee gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidanka Kenya iyo Maleeshiyada Al-Shabaab. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerareen xero halkaas ay ku lahaayeen ciidmmada Kenya, iyadoo wali aanan la ogayn inta uu la egyahay khasaaraha. Paul Njuguna oo ah Afhayeen u hadlay dowladda Kenya ayaa beeniyay in lagala wareegay xerada ay ku leeyihiin deegaankaas. Wixii ku soo kordha halkan kala soco
↧