Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka howlaha guud oo kormeeray dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka

$
0
0
Kormeerka uu maanta ku tegay dhismaha cusub ee Wasaaradda caafimaadka dalka oo ku yaala agagaarka  KM0 Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Saalax Sheekh Cusmaan ayaa waxaa uu ugu kuur galayay bilicda dhismahaasi oo hadda heer gaba gaba ah maraya . Dhismaha xarunta cusub ee loo dhisay Wasaaradda caafimaadka oo qaab casri ah loo dhisay ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka gacan siiyay dowladda Sweden, iyadoo ay dhismahaan quruxda badan dhiseen Engineero  Soomaali ah, waxaana uu Wasiirku ku amaanay sida waqtiga kooban ay dhismahaan ku soo dhameeyeen. Eng Saalax Sheekh Cusmaan Wasiirka howlaha guud oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay goobtaas kormeerka kaddib ayaa waxaa uu bogaadiyay Injineerada dhisay xaruntaan iyo cid walba oo gacan ka geysatay . “Muddo sideed bilood ah ayay qaadatay in dhismahaan quruxda badan lagu dhameystiro runtii waxaan u mahad celinayaa dowladda Sweden oo gacan naga siisay dhismahaan, waxaa ka go’an Wasaaradeyda soo celinta bilicda dalka” ayuu yiri Eng Saalax. Dhismaha kan dabaqa ah ayaa waxaa uu kaga duwan yahay dhismayaasha kale in loo sameeyay irdo ay ka galaan dadka naafada ah oo horay dhowr  jeer u codsaday in dhismayaasha dheer dheer loo sameeyo meelo ay ka gali karaan Wasiirka Saalax ayaana mar [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles