Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Maleeshiyada Al-Shabaab oo weerartay Hotel ku yaala Muqdisho

$
0
0
Qarax loo adeegsaday Gaari ayaa ka dhacay Hotelka Dayax oo ku yaala Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, Qaraxa ka dib ayaa maleeshiyaad Shabaab ah waxay gudaha u galeen hotelka waxaana bilowday dagaal u dhaxeeya Maleeshiyada iyo ciidanka dowladda. Wali rasaas ayaa ka dhacaysa gudaha hotelka sida ay soo sheegayaan wariyaasheena jooga meel u dhow halka uu weerarku ka socdo. Sidoo kale waxaa goor dhow Qarxay gaari laga shakisnaa oo yaalay meel u dhow hotelka, iyadoo ciidamadu ay si weyn uga foojignaayeen, sida SONNA ay u sheegeen saraakiil ka tirsan Hay’adaha ammaanka. Wali lama oga khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan Maleeshiyada Argagixisada ah ay ku soo qaadeen Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles