Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Mas’uuliyiin loo kala magacaabay degmooyin Hirshabeele ka tirsan

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble, ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan. Ugu horeyn madaxweynaha Hirshabeele ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii degmada Beledweyne Maxamed Cabdi Cismaan Qalaafow isagoo xilkaas u magacaabay Maxamed Axmed Ibraahim, sidoo kale waxaa xilka guddoomiye ku xigeenka degmada laga qaaday Muuse Cabdi  Daahiye, iyadoo lagu bedeley Qadar Xasan Afrax. Wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabeele ayaa sidoo kale waxaa  xilka  looga qaaday guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee degmada Matabaan  Sheekh-doon Faarax Waare, iyadoo lagu bedeley  Ducaale Aadan Cabdi ( Garaaso) Madaxweynaha maamulka Hirshabeele ayaa wada dib u habeyn uu ku sameynayo maamulada degmooyinka, isagoo horey u bedeley guddoomiyihiin gobolka Hiiraan isla markaana guddoomiye cusub u magacaabay gobolkaas. Cali Cabdullaahi Cosoble oo ah madax weynaha Hirshabeele ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha Samafalka ugu baaqay inay gargaar deg deg ah la gaaraan dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deenaada Hirshabeelle.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles