Labadii nin ee ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Masjidka Nabigeena Muxamed NNKH ee magaalada Barakeysan ee Madiina ayaa lagu diley is rasaaseyn ka dhacday magaalada Riyaad ee dalka boqortooyada Sacuudiga. Tayea Salem Yaslam Al-Sayari, ayaa waxaa diley ciidanka amniga dalka Sacuudiga kaas oo maleegey shirqoolkii lagu weeraray Masjidka Nabigeena Muxamed NNKH, sanadkii la soo dhaafay. Al-Sayari, ayaa la sheegay in uu ahaa qofka sameeyay suunkii ka sameysnaa qarax ee lala galay Masjidka , isagoo sidoo kale diyaariyay qaraxyadii lala eegtay Isbitaalka Dr. Soliman Fakeeh oo ku yaala magaalada Jaddeh 4 bishii Luul , 2016, sidoo kale waxaa uu ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday isbitaal ay leeyihiin ciidanka gaarka ah ee Sacuudiga oo ku yaala magaalada Abha ee koofurta dalkaas, 9 August ee sanadkii 2015. Laamaha amniga ee dalka Sacuudiga ayaa waxaa ay sheegeen in Al-Sayari, uu yahay nin khatar ah isla markaana ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan ururka Daacish kuna takhasusay sameynta qaraxyada. Ninka labaad ayaa ahaa Talal Bin Samran Al-Saedi, iyadoo howlgalka lagu diley labadaan nin uu ka dhacay degmada Yasmeen oo ku taala waqooyiga magaalada Riyaad. Labadaan nin ayaa waxaa ay yihiin muwaadiniin u dhashay boqortooyada Sacuudi Carabiya. Markii ay ciidanka amniga weydiisteen in ay isa [...]
↧