Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Galmudug, ayaa heshiis saddex qodob ah ka gaaray colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo kaddib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho. Shirka lagu soo gabo-gabeenayey colaadda magaalada Gaalkacyo oo soo laalaabatay muddooyinkii u dambeeyey, waxaa marti-galiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ka dhacay madaxtooyada. shirka waxaa joob-joogeyaal ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiilka Q.M u fadhiya Soomaaliya Michael Keating. Madaxweyneyaasha dowlad gobolleedyadaasi Puntland iyo Galmudug, madaxda D.FS iyo Wakiil Q.M ayaa shir saxaafadeed qabtay shirka kaddib. Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa fursad weyn ku tilmaamay kulanka lagu soo afjarayey colaadda Gaalkacyo, waxa uu sheegay in saddex qodob lagu heshiisyey oo ah in isu socodka magaalada dib loo soo celiyo, in ciidammo Boliis isku dhaf ah la geeyo iyo in Bisha Feberaayo kulan kale la isugu yimaado si looga hadlayo waxyaabaha ka dhaqan-galay qodobbada lagu heshiiyey. Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed, ayaa guul weyn ku tilmaamay in ciidammada la kala qaado, laguna dedaallo sidii looga wada qeyb-qaadan lahaa dhaqangelinta heshiiska saddexda qodob ah. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa sheegay in uu rajeynayo in aysan dib u soo laaban colaadda magaalada Gaalkacyo oo hab amni [...]
↧