Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddiga qaban qaabada doorashadda Guddoonka Baarlamanka oo la magacaabay

Guddiga qaban qaabada doorashadda Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta la magacabay, kadib kulan Mudanayasha baarlamaanka ay ku yesheen magaalada Muqdisho. Guddiga oo ka kooban 15 xubnood ayaa loogu qeybiyay shanta beelood ee uu baarlamaanka ka koobanyahay. Shir guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa ku dhawaaqay magacyada xubnaha guddiga qaban qaabada doorashada ee guddoonka baarlamaanka. Guddigan ayaa dhexdooda iska dhex dooran doono Guddoomiyaha Guddiga, waxaana intaas kadib ay shaacin doonaan waqtiga la qabanayo doorashada guddoonka baarlamaanka. Halkan Hoose ka akhriso xubnaha la magacaabay     

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles