Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Xildhibaanno hor leh oo ku soo baxay doorashadii maanta ka dhacday Muqdisho

Xildhibaanada doorashadii maanta kusoo baxay ayaa waxay kala yihiin:Muuse Siciid Jaamac ayaa 48 cod kaga guuleystay Faadumo Cumar Nuur oo heshay 2cod doorashii aqalka hoose ee maanta ka dhacday Muqdisho, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobollada Waqooyi. Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa 45 cod kaga guuleysatay  Ismaaciil Xasan Jaamac oo 1 cod helay  halka Qaasim  Ismaaciil Axmed iyo Caasho Aadan Yuusuf  aysan waxba helin. Kursiga saddexaad ayaa waxaa ku tartamay Ridwaan Xirsi Maxamed, Shukri Faarax Cilmi, Baarliin Xasan Qalinle iyo C/fitaax Ismaaciil Daahir oo helay 46 cod iyadoo ergada soo xaadirtayna ay ahaayeen 46 sidaasna waxaa ku guuleystay C/fitaax Ismaaciil daahir. Doorashada Golaha shacabka ee Gobalada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya oo ka socota Magaalada Muqdisho ayaa haatan maraysa heer gebo gebo ah.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles