Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Danjirihii Dowladda Ruushka u fadhiyay Turkiga oo la dilay

$
0
0
Safiirkii Dowladda Ruushka u fadhiya Dalka Turkiga , Andrei Karlov ayaa lagu dilay weerar  ka dhacay Caawa caasimadda dalka Turkiga. Safiirka oo si xun loogu dhaawacay weerarkaas ayaa kadib loola cararay isbitaalka, halkaasi ayuuna ku geeriyooday. Weerarkan oo uu soo qaaday qof hubeysan ayaa ku dhawaaqayay inta aysan dilin Booliska Turkiga in uu ka xunyahay dagaalka lagu hayo Magaalada Xalab ee Dalka Suuriya . Dowladda Ruusha oo goor-dhow ka hadashay weerarka lagu dilay Safiirkeeda ayaa ku tilmaamtay Fal Argagixiso. War-baahinta Dalka Turkiga  ayaa sheegtay in weerarka uu dhacay xilli Safiirka uu booqanyey xarun lagu qabanayey bandhig farshaxaneed.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles