Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha J. F. S. oo hambalyo u diray boliiska Soomaaliyeed

$
0
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa dhambaal  hambalyo ah oo ku aadan xuska  sanadguurada 73 –aad ee ka soo wareegatay aas-aaska ciidamada Boliiska aawadeed u diray dhammaan ciidanka booliska ee ka howlgala dalka Soomaaliya. Madaxweynuhu, waxa uu xusay doorka ciidamada Boliiska iyo kaalinta ay ka qaateen soo celinta nabadgelyada dalka iyo difaaca dadka iyo dalka,wuxuuna kula dardaarmay qeybaha ciidamada Boliiska  inay sii laba laabaan  howlaha adage e loogu adeegayo bulshada,isagoo dhanka kale ka codsaday shacbiga in ay la shaqeeyaan Boliiska. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,waxa uu ugu dambeyntii u tajeeyay  saraakiisha, saraakiil xigeennada,alifleyda , dableyda iyo xaasaskooda in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles