Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Howlgallo lagu xaqiijinaayo amniga oo ka socda magaalada Muqdisho

$
0
0
ciidamada ammaanka dowlada somalia oo isugu jira bolis iyo nabadsugid ayaa wada howl gallo lagula  dagaalamo hubka sharci darada iyo kooxaha nabad diidka ee ku dhumaaleysanaya magaalada Muqdisho. taliyaha qaybta guud boliska gobolka , Banaadir G,sare bishaar Abshir Geedi ,oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay socdaan howlgallo lagu baarayo degmooyinka gobolka Banaadir,isla markaana looga hortagayo hubka sharci dasrada ah iyo kooxaha Al-shabaab ee ku kaca falalka bahalnimada ah. Taliyaha ayaa qiray in ciidamada amnigana  ay ku guulaysteen sugida amniga,ayna  qab-qabteen hub sharci darro ah iyo dhallinyaro lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab taliyaha qaybta guud boliska gobolka ,Banaadir,waxa uu xusay in ciidamada uu xil ka saran yahay ilaalinta amniga shacabka ,isagoo ka codsaday bulshada in ay la shaqeeyaan qeybaha ciidamada ,wuxuuna intaa raaciyay in ay sii socon doonaan howlgallada laga baarayo caasimadda soomaaliya ee Muqdisho

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles