Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ciidanka Nabad sugidda ee gobolka Hiiraan oo gacanta ku dhigay Miinooyin la aasay

Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa gacanta ku soo dhigay  miinoyin  kooxda UGUS  ay  ku uruursanayeen degaan ka  Ceelgaal ee hoos yimaada magaalada Beledweyne. Saraakiisha  ciidamada  ee  howgalkan fuliyay ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan  in miinoyinkan ay maleeshiyada Al-Shabaab ku aruurinayeen  goob kamid ah deegaanka Ceelgaal, Taliyaha ciidanka Nabad Sugidda  ee Gobolka Hiiraan Xasan Kaafi Maxamed Ibraahim  ayaa sheegay in soo qabashada  qaraxyadan ay gacan ka geysteen dadka deegaanka, isagoo uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyaan laamaha ammaanka. Ciidanka  booliska ee miina barista ayaa ku guleystay in ay  qaraxyadan ka soo saaran goobta lagu qarinayay ee godka ah, iyadoo aan qarxin. Jeneraal Cumar dheere oo ka mid ah guddiga amniga gobolka ayaa  u mahadceliyay ciidamada howgalkan ku soo guuleystay. Sarakisha ciidamada howgalkan fuliy ayaa shegay in  Kooxda  UGUS ay qarax yadan   in mudo ah ay ku aruurinayeen deganka,  isla markaan dadaal dheer oo ay  sameyeen ciidamada  qalabka sida  lagu guleystay  in la soo qabto qaraxyadan .

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles