Dowladda Yugaandha ayaa shaacisay inay Soomaaliya u soo dirayso in ka badan 2,000 oo Askari oo dheeraad ah, kuwaasoo qeyb ka noqonaya Ciidamada howlgalka Nabad ilaalinta midowga Afrika ka jooga Dalka Soomaaliya. Warbaahinta dalkaas oo soo xiganaya masuuliyiin ka tirsan Dowladda Yugaandha ayaa sheegtay inay xukuumadda Kampala dhowaan u daabbuli doonto Soomaaliya 2,275 Askari oo dheeraad ah, kuwaasoo ay shaqadooda ugu badan noqonayso xoojinta dagaalka lagula jira Ururka Al-Shabab. Taliyaha Ciidamada Difaaca Dalka Yugaandha, Jen. Katumba Wamala oo ka hadlay munaasabad loo qabtay Ciidamada Soomaliya loo soo dirayo, ayaa sheegay inay dadaaalka ugu badan galin doonaan in Soomaaliya ay ka dhigaan meel ammaan ah. Waxa uu ku nuux-nuuxsaday Jen; Wamala in Dowladdiisu aysan wax culays ah u arag Mushaharka Ciidamadooda ee kasoo daaha, waxaana uu sheegay in ujeedka ay Soomaaliya u joogaan ay tahay inay caawiyaan Dadka iyo Dawladda Soomaaliyeed. “Ciidamadeena ma aha Calooshood u shaqaysatayaal, laakiin waa Ciidan Qaran oo caawinaya Dawladda iyo Dadka Soomaaliyeed, Lacag darteedna Soomaaliya uma joogaan” ayuu yiri Gen. Katumba Wamala. Hadalkan kasoo baxay Dowladda Yugaandha ayaa kusoo beegmaya, xilli ay dhowaan si wada jir ah u go’aamiyeen Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kan Amiosm in guluf xooggan oo kama dambeys ah lagu qaado [...]
↧