Telefishinka dowladda Cuba ayaa shaaciyay in hogaamiyihii hore ee dalka Cuba Fidel Castro oo loo yaqaanay aabihii kacaanka Kuba uu geeriyooday wuxuu ahaa 90 jir . Walaalkiis Raúl Castro oo hadda Xukunka dalkaasi Cuba haya ayaa shalay Galab shaaca ka qaaday geerida Walaalkiisa Fidel Castro, wuxuuna intaa raaciyay in la gubi doono meydka Castro iyadoo la fulanayo dardaarakiisa. Dadwynaha ku nool Caasimadda dalka Cuba ee Havana ayaa aad uga tiiraanyooday markii ay maqleen geerida hogaamiyahooda Fidel Castaro, halka tiro dad ah oo ku nool magaalada Mayami ee Gobolka Florida dalka Mareykanka ay aad ugu farxeen geerida hogaamiyahaasi xukumayay dalka cuba muddo Nus Qarni ka badan. Geeriga Madaxweynihii hore ee dalka cuba ayaa ku soo beegantay iyadoo dalka Cuba muddo Saddex bilood ah loogu dabaaldagayay Sanadguuradii 90-naad ee ka soo wareegtay dhalshada Fidel Castaro. Magaciisa oo buuxa waa Fidel Alejandro Castro Ruz. wuxuu dhashay sannadkii 1926-kii bishii sideedaad. Wuxuu ku dhasahy magaalada la yiraahdo, Las Manacas,. Aabihii oo la oran jiray Angel Castro wuxuu lahaa beer weyn oo laga beero sonkor khaanka ( sugar cane) oo ahayd 23 kun oo Higtar. Fidel wuxuu ku dhashay gobol sabool ah kamana jirin waxbarasho, adeeg caafimaad iyo mid shaqo. Laakiin Fidel wuxuu noqday shakhsi nasiib leh.Aabihii Angel [...]
↧