Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland ahna guddoomiyaha guddiga abaaraha Cabdixakiin Xaaji Cadulaahi Cumar Camey ayaa baaq u diray Ummadda Soomaliyeed gaar ahaan shacab reer puntland sidii loogu soo gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen. Mudane Cabdixakiin ayaa ka warbixiyey xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland, waxaana uu sheegay in xaaladda abaareed ee Puntland ay tahay tii ugu xumayd ee soo marta abid Soomaaliya, Puntland-na ay tahay meesha keliya ay samaynta ugu badan ku yeelatay abaartu, halakaysayna dadkii iyo duunyadiiba. Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland waxaa uu ugu baaqay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, ha’yadaha ka shaqeeya sama falka, beesha caalamka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta gurmadka abaaraha in ay si deg-deg ah uga qayb qaataan gurmadka abaaraha ee loo fidinayo dadka abaaruhu aafeeyeen. ”Ujeeddada aanu u qabanayno baaqani waa laba mid oo muhiima, tan hore waxaanu caalamka tusaynaa in Puntland ay u midaysantahay dhibtaan haysata Guud ahaan reer Puntland, ujeeddada labaadna waxa ay tahay is baraarujin qafkasta meel kastuu joogo dalka gudihiisa iyo debediisaba inuu aqoon san yahay maanta inaanay jirin wax lala hadhaa, sidaa awgeed waxaan leeyahay alleh colaadda nabad haynoogu bedelo abaartana aaran alleh haynoogu bedelo, waxanu wax ka qaban doonaa Insh Allah wax badan [...]
↧