Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay ee arrrimaha Soomaaliya, Danjire Michael Keating ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Warbaahinta Qaranka, kaga waramay arrimo badan oo xaalada dalka ku saabsan, Hadaba Akhriso Su’aalaha iyo Jawaabaha uu ka bixiyay Danjiraha. Su’aal 1: Markii aad magaalada Muqdisho timid, sidee buu ahaa fikirkaaga ku aaadan Soomaaliya, hadda oo aad mudda ka shaqaynaysa waa sidee qiimayntaada guud ahaan? Jawaab1: Hagaag, waxaan Muqdisho imid January, 2016, laakiin waxan ku qaatay halkan qayb kamida carruurnimadayda horaantii 1977-dii, waan xasuustaa Muqdisho, muddo laga jooga 40 sano. Waxaan sidoo kale imid halkan sannadii 1992 haddana mar kale 1994-tii, sidaa darteed, waxa aan Muqdisho arkay marxalado kala duwan. Waxa xiisaha leh ee joogistayda halkan Soomaaliya waxa uu yahay in dalka uu ku jiro safar siyaasadeed oo uu isku dayayo in uu dhiso aas-aas gun leh oo ay Soomaalida oo idil ay kuwada noolaan karaan si nabbad ah. Dawlad noocee bay doonayaan, yaa mas’uul uga noqonaya?, haddii ay ahaan habka sharciga ah ama dawladda, haddii ay noqon lahayd ciidanka, booliska, ama waxbarashada. Aniga sharaf bay ii tahay inaan jooga meel ay sheeko balaaran ay ka dhacayso oo ay u dhaxayso dad da’yar, haween, wax garadka, odayaasha beelaha. Dal noocee baan doonaynaa? Taasi [...]
↧