Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Marwada Madaxweynaha oo casho-sharaf u sameysay Kooxda Banaadir “SAWIRRO”

$
0
0
Xafladan Casho-sharafta ah ee marwada Madaxweynaha JFS Sahra Cumar Xasan ay u sameysay Cayaartoyuda iyo Maamulka kooxda Kubadda Cagta ee Banadir Sports Club ayaa ujeedkeeda uu ahaa inay dhiirigeliso islamarkaana taageero u muujiso Ciyaaryahanada Soomaaliyeed, gaar ahaan Kooxda Banaadir oo dhawaan ku guuleysta Horyaalka iyo Koobka Supper Cup-ka ee dalkeena. Guddoomiyaha Kooxda Banaadir Sports Club Abuukar Maxamed Shiikh oo Xafladda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Marwo Sahra sida ay marwalba u garab taagan tahay ciyaartooyda Soomaaliyeed isagoon sheegay in haddii la tagaeero  isboortiga dalka uu qeyb ka qaadanayo Nabadeynta iyo is dhaxgalka Bulshada. “Anaga Maamo Qaran ayaad noo tahay waana kugu amaaneynaa sidaa noo tagaeertay oo noo garab istaagtay anoo ku hadlaya magacaeyga, magaca ciyaaryahanada iyo maamulka kooxda Banaadir Sports Club, Maamo sidaa ogtahay sportigu waa is dhaxgalka bulshada haddii la tageero Nabad wey imaanee marka waa in sporitska waqti badan lagu bixiyaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Kooxda. Cantar Jeenyo oo ah khabiir Isboorti isla markaana kamid ahaa cayaartoydii hore ee xulka Qaranka Soomaaliya ayaa ku dhiirigaliyay ciyaarayanahada Somaaliyeed inay dadaalkooda laba laaabana ayna soo celiyaan taarikhdii Somaaliya ay ku lahayd Africa. “Banadir Sports Club waa idiin hambalyeynayaa dadalakiina kordhiya waxaa rajeynaa inaad noo keentaan Soomaaliya oo ku guuleysatay African Cup [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles