Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dowladda Kenya oo ogolaatay in Mudo kordhin 6-bilood ah loo sameeyo dib u celinta Qaxootiga Soomaliyeed+Dhageyso

$
0
0
Wasiirka Arrimaha gudaha Dalka Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in Dowladda Kenya  si kumeel gaar ah u hakineysa dib u soo celinta qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab muddo lix bilood ah si loo helo dhaqaale iyo fursad wada tashi dheeraad ah oo ay yeshaan labada dhinac. Wasiirka Arrimaha gudaha Kenya  Joseph Nkaissery  oo  lahadlay BBC-da ayaa sidoo kale sheegay  in dib u celinta tiro ku dhow 280,000 oo ah qaxooti ku jira xerada qaxootiga ee dunida ugu weyn – Dhadhaab – ay sii socon doonto. Wasiirka ayaa  beniyey eedeymo sheegaya in Kenya  ay ku khasbayso qaxootiga inay dib ugu laabataan dalkooda, wuxuuana ku tilmaamay eedeymahaas oo ka soo baxay kooxaha xuquuqda aadanaha inay yihiin ‘dacaayad siyaasadeed’. Halkan Hoose Ka Dhageyso

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles