Dejinta iyo ansixinta Dastuurka Agoosto 2012 – Dhisidda Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya – Ka bixiddii ku-meel-gaarnimada Taniyo 2008 waxaa lagu hawlanaa dejinta Dastuurka Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo soo maray marxalado badan. Waxaa ugu dambayntii si ku-meel-gaarah u ansixiyey 135 odayaal dhaqameedka soomaaliyeed oo ay wehliyaan ergooyin ilaa 800 kor u dhaafay oo laga soo xulay bulshaweynta iyo urrurrada bulshada rayadka ah. Waxayna dastuurkan wax-ka-beddellada uu baahan yahay u igmadeen Baarlamaanka cusub ee federaalka. Ansixinta dastuurkan oo looga guurayey Ahdigii ku-meel-gaarka ahaa ee 2004 wuxuu ahaa tallabadii ugu horreysay oo looga baxayey ku-meel-gaarnimada dawladda. Arrimaha uu dastuurkan xeeriyey waxaa ka mid ahaa in tirada xubnaha Aqalka Golaha Shacbigu ka kooban yahay 275 xildhibaan, Aqalka Sarena 54 xildhibaan ka wakil ah Dawladaha Goboleed. Saa daraadeed odayaasha dhaqanka ee 135ta ahaa waxay markiiba u hawlgaleen xulidda xildhibaanada Golaha Shacabka. Kasoo lasoo gabagabeeyey xubnaha cusub e Golahana la dhaariyey 20-kii Agoosto 2012 – saacadduna ahayd 5:00 galabnimo. Golaha wuxuu isla maalintaasba isla oggolaaday in M.ne Muuse Xassan noqdo Guddoomiyaha ku meel gaarka ah maadama uu ahaa xildhibaanka ugu da’da weyn, oo uu shirguddoomiyo kulammada Golaha ilaa iyo inta Goluhu Gudoonkiisa ku dooranayo. Markii ay soo dhamaadeen hawlihii musharrixiinta u tartamaysay Guddoonka Baarlamaanka, Golaha [...]
↧