Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ciidanka XDS oo howlgallo ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Sh/Hoose

$
0
0
Howlgal qaatay  muddo saacado ah ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaliyed  waxa ay ka sameyen degaanka Ceel-abakar oo 15 km dhanka galbeed kaga beegan degmada Baraawe ayaa waxaa lagu baacsanayay maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisda ah eee Shabaab. Deegaanka Ceel abakar ayaa maleeshiyada kooxda Shabaab waxa ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deeganka  iyadoo dadka shacabka ah ay u mahad celiyeen ciidanka xogga dalka Soomaaliyed iyo mamulka gobolka waxayna sheegeen in Shabaab ay dhac iyo boob ku hayeen. Howlgalka ayaa waxaa hogaaminayay gudomiyaha gobolka Shabellaha hoose Ibraahim Aadan Cali Najax saraakiisha ciidanka xoogg  dalka ee ku sugan degmada Baraawe iyo maamulka degmada Taliyaha ururka 1-aad guutada 3xaad ee Ciidan XDS Gaashaanle  Cali Dagaaal  Xirsi ayaa sheegay in ciidanka XDS  ay gaareen degmada Sablaale halkaana ay ku dileen tiro maleshiyaad ah oo ka torsan Shabaab. Gudoomiyaha degmada Baraawe Aadan Cumar madoobe ayaa sheegay in Howlgalkaan ciidanka XDS ay ku bacsanayaan shabaab uu sii socon doono iyadoo gudoomiayah gobolka shabellaha hoose uu tilmaamay in Shabaab ay dadka ku dhaqan gobolka ay dhibaata ku hayaan gobolka Sh.hoose uu ka bilaawday howlgal lagu sifeenayo haraadiga kooxda Shabaab.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles