Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha Soomaaliya oo bogaadiiyey doorashooyinka ka bilowday Kismaayo iyo Baydhabo

Muqdisho, 08 November 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo ka bilowday magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo. Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashooyinka maanta ka billowday Dowlad Gobolleedyada Jubbland iyo Koonfur Galbeed ay yihiin tallaabooyin muujinaya horumarka dalka ee dhanka u bislaashaha dowladnimadda iyo dimuquraadiyada. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida ay shacabka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay uga go’antahay in doorashooyinka ay ku dhacaan waqtigii loo qorsheeyey. “Doorashooyinka maanta ka billowday Baydhabo iyo Kismaayo waxay muujineysaa sida ay uga go’an tahay shacabka iyo madaxda dowlad gobolleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed in doorashooyinka ay ku soo qabsoomaan watigii loo qorsheeyey” ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbalanad Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed hergelinta doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka oo maanta ka biloowday Dowlad Goboleedyadaas. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale u mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Doorashooyinka 2016 oo maanta ku guuleystay in doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ay ka bilowdaan goobihii lagu ballamay. “Hannaanka Doorashooyinka 2016 waa qorshe qaran oo dalka looga hirgelinayo doorashooyin dadban si 2020 aan u wada gaarno [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles