Afti Qaran 25 Agoosto 1979 oo lagu ansixiyey Dastuurka Jamhuuriyadda Demoqraadiga Soomaaliya Muddo 3 sano gudahood waxaa lagu sameeyey Dastuurkii 1979 oo loo diray in shacbigu afti qaran ku ansixiyo. Arrimaha ugu muhiimsan ee Dastuurkan xeeriyey waxaa ka mid ah: – a) Nidaam xisbiyeedka: Xisbi keliya – Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliya (XHKS); (b) Nidaamka Jumhuriyaddain uu yahay Nidaam Madaxweynuhu yahay Madaxa Dawladda iyo Madaxa Laanta Fulinta oo Golaha Shacbku dooranayo. Wadarta dadweynaha codeeyeye: 3.605.490 Natiijada Aftida Qaran Tirada Codadka U dhigma boqolkiiba % Codadka yiri: “Oggol” 3,597,592 99.78% Codadka yiri: “Maya” 7,898 0.22% Doorashadii Golaha Shacabka ee 30-kii Deseembar 1979 Ka dib markii Dastuurku ansax noqday 30 Diseembar 1979 waxaa la dhisay Golaha Shacbiga oo ku yimid nidaamka doorashada xisbiga keliya, kaas oo ahaa (XHKS), oo xilkiisa Sharcidejintu yahay muddo shan (5) sano. Tirada Kuraasta Golaha Shacabku wuxuu ka koobna 177 xubin, oo lix ka mid ah uu soo magacaabayo Madaxweynaha sida ku cad Qodobka 61(4) ee Dastuurka 1979 oo xeeriyey: “Madaxweynaha JDS wuxuu magacaabi karaa xildhibaanno Golaha Shacabka ilaa Lix (6) qof oo laga dhex xulo dadka si gaarka ah ugu soocmay goobaha cilmiga, adabka iyo fanka, ama leh qiimo sare ee waddaninimo”, Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ayaa liiska [...]
↧