Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray xaruntii ciidamada cirka ee Magaalada Muqdisho. Munaasabadda dib u howlgalinta Xaruntii Ciidamada Cirka ee Afisyoone ayaa waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidamada xoogga dalka, taliyaha ciidamada cirka, taliyaha nabad sugidda qaranka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya. Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay taliyaha ciidamada cirka ee dowladda Soomaaliya, Gen. Maxamuud Shiikh Cali waxa uuna ku dheeraaday taariikhda ay soo martay xarunta ciidamada cirka oo uu sheegay in ay aheyd meeshii ugu horeysay ee lagu aasaasay ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale taliyaha waxa uu bogaadiyay dhamaan dadkii gacanta ka geystay dib u dayactirka xarunta ciidamada cirka oo in muddo ah aanan lagu shaqeyn. Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka hadlay, taliyaha ciidamada xoogga dalka, Maxamed Aadan Axmed waxa uuna sheegay in dhismaha xarunta ciidamada cirka ay tusaale u tahay horumarka ciidamada qalabka sida uu ka gaaran dib u howlgalinta goobihii taariikhiga ahaa ee ay ku shaqeyn jireen ciidamada dowladda, waxa uuna taliska ciidanka cirka kula dar daarmay in ay ka soo dhalaalaan howlaha baaxadda leh ee ay u haayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed maadaama ay heleen [...]
↧