Natiijada Doorashadii Madaxweynihii 1aad ee Dowladda Soomaaliya 6dii Luulyo 1961 Kadib markii Maxkamadda Sare go’aankeeda 4tii Luulyo 1961 ay ku ansixisey Aftida Qaran, muddadii hal sanno oo ahayd xilhaynta ku-meel-gaar ah ee Madaxtooyaddana dhammaatay waxaa la iclaamiyey in 6da Luulyo 1961kii la qabto doorashada mMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo muddada xilhayntiisu noqomayso Lix (6) sanno. Waxaa xilkan usoo istaagay laba Musharax oo kala ah M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan Dacar iyo M.ne Sheikh Cali Jimcaale. Nadiijada iyo sida ay dhacday doorashaduna waa sida soo socota: Waxaa dooranaayey: Golaha Xildhibaannada Qaranka (Assemblea Nazionale /National Assembly) Tirada Xildhibaannada fadhiyey ee codeynayey waxay wareegii 3aad ahaayeen 123 Xildhibaan Wareeg Codadka aamusay ama xumaaday: Cododka ansaxay: Wadarta Cododka Wareega Koowaad 1 119 120 Wareega Labaad 1 119 120 Wareega Saddaxaad 0 123 123 Magaca Musharraxa Wareegga 1-aad Wareegga 2-aad Wareegga 3-aad M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan 60 59 62 M.ne Sheikh Cali Jimcaale 60 61 61 FG. Sida uu qabo Dastuurkii 1960, wareega 1aad iyo kan 2aad musharaxiinta waxay ku kala guuleysan kareen qofkii hela 82 cod oo u dhigan 2/3 tirada guud ee Xubnaha Golaha tasoo midkoodna helin. Saa daraadeed waxaa lagu kala baxay wareega 3aad oo cod hal dheeri ah Mudane Aadan Cabdulle Cismaan ku [...]
↧