Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Faallo: Fahamka qaldan ee xoriyadda Saxaafadda Soomaaliya

$
0
0
Marka aan siddan leeyahay ujeedadu ma’aha in aan weerar ku ah Warbaahinta madaxabannaan, laakiin ujeedada aan ka leeyahay Qormadan waa laga soo bilaabo anniga oo ah qoraha maqaalka ilaa qofka ugu danbeeya oo ah adiga Akhristaha ah, in aan faham guud ka qaadanno xoriyada saxafadda, iyo sidda qaldan ee warbaahinta ama wariyayaashu u adeegsadaan. Marka dib u eegis lagu sameeyo erayga ”xoriyad” waa eray micno ballaaran xambaarsan oo xitaa lagu cadeeyay Diinta Islaamka, hasse ahaatee marka aad dhinaca kale eegto ma jirto xoriyada iska socta oo aan laheyn dabar ama xad soo celiya, sidda maanta in badan oo naga mid ah aan u isticmaalnay. Korarka warbaahinta Soomaalida wixii ka danbeeyay bur burkii dowladdii dhexe waxaa laga dhaxlay in ay soo baxaan kooxo wariyayaal ah oo isugu jirra wiilal gabdho runtii aan laheyn khibrad ilaa xad ku fillan oo salka ku heysa mihnada ay ka shaqeynayaan ee saxaafadda oo u baahan in la ilaaliyo si aysan saameyn xun ugu yeellan bulshada inteeda. Taas ayaa keentay in Idaacadaha, TV-yada iyo Wargeysyada Soomaalida ku soo bataan adeegsiga qaldan ee xoriyada saxaafadda oo loo arkay in wariyuhu u madaxbanaan yahay tabinta, wax kasta oo maskaxdiisa ku soo dhaca isaga oo aan u eegin waxaa [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles