Soomaaliya waxaa si hab sami leh uga socda doorashooyin Qaran, kuwaas oo ka dhacay magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Dalka, iyadoo ay kumanaan Qof uga qayb qaadanayaan qaabab kala duwan. Doorashooyinka oo noqonaya kuwii ugu horeeyay oo ay cod ku leeyihiin kumanaan Shacab Soomaaliyeed ah tan iyo 1969-kii, waxa ay abuurayaan mustaqbal cusub oo ay yeelanayso Soomaaliya oo muddo Rubac Qarni ah ku jirtay dagaalo kala duwan. Inkasta oo Shacabka Soomaaliyeed ay u tahay rajo wayn oo u iftiiminaysa Nolol cusub oo ah in ay soo xirayaan Taariikhdii Madoobayd ee colaadaha, hadana waxaa jira kooxo ay u tahay War aan wanaagsanayn maadaama ay u arkaan in ay soo xirayso Irdihii Sharta ee ay ku hoos noolaayeen. Kooxda Koowaad ee Qabsoomida Doorashadaan ay u tahay dhamaadka jiritaankooda waa Argagaxisada sida Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo abuurmitaankoodaba ay sabab u ahayd kala danbayn-la’aantii Soomaaliya oo ka dhigtay Dalka meel ay usoo shaqo tagaan Colaad ku noolayaasha. Dareenka ay Horjoogayaasha Kooxahaan ku beerikarto Doorashada Soomaaliya, waxaa ugu horeeya in Dawladda Dhalandoonta oo la saadaalinayo in ay Sharci ahaan iyo Awood ahaanba aad uga sarayso xaaladaha aan ku suganahay hadda, taas oo hubaal awood u yeelandoonta in ay udiido Dalka in ay kusii [...]
↧