Akhristayaasheenna sharafta leh waxaan idiin bilaabi doonaa baahinta qoraalka Taxanaha Taariikhda doorashooyinka Soomaaliya laga soo bilaabo 1959kii – 2012 kaasi oo hada laga sii daayo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) iyo Radio Muqdisho. Taxanaha Shuruucda Doorashooyinka Golayaasha Sharcidejinta iyo Madaxweynayaalka ay Jamhuuriyadda Soomaaliya soo yeelatay taniyo 1959 – 2012 Koofurta Soomaaliya – Maamulkii Wasiyadda/Dardaarankii Qaruumaha Midoobay u igmatay Dawladda Taliyaaniga Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia (AFIS) Doorashada Golaha Sharcidejinta Bishii Maarso 8-da 1959 (Assemblea Legislativa – Legislative Assembly)– 8-da Maarso, 1959 waxaa doorashooyinkii xubnaha Golaha Sharcidejinta loo qabtay dalka Soomaaliyeed ee markaas lagu maamulayey Wasiyadda/Dardaarankii Qarumaha Midoobay u igmatay Dawladda Taliyaaniga, maamulkaas oo loo yiqiin “Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia (AFIS). Doorashooyinka waxaa lagu maamulay Sharciga Doorashooyinkaa Lam. 26 ee 12ka Diseembar 1958, Laguna faafiyey Faafinta Rasmiga ee Soomaaliya (Bollettino ufficiale della Somalia) lasoo saaray 12 Diseember 1958. Arrimaha ugu muhiimsan oo uu xeeriyey sharciga Doorashooyinka Lam. 26 ee 12ka Diseembar 1958, waxaa ka mid ah: In 90 xildhibaan ee xubnaha Golaha Sharcidejinta lagu soo doortay mabda’a doorashada oo ragga iyo haweenkuba xaq u leeyihiin una siman yihiin codeynta ee loo yaqaano universal suffrage, waxaana lagu meelmariyey nidaamka qofkiiba-hal-cod, (one-man-one-vote system). Codeyntu waxay ahayd mid xor ah, toos ah oo qarsoodi [...]
↧