Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Deeq lacageed oo ka timid Madaxweynaha Jabuuti oo la guddoonsiiyay Wasaaradda Arrimaha gudaha

$
0
0
Deeqdan lacageed oo  gaareysa 10,000 oo dollar  kana timid Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya  waxa uu ku warejiyay Wasiir dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha  Xukuumadda Soomaaliya. Deeqdan lacageed ayaa dowladda Jabuuti waxa ay ugu talagashay in la gaarsiyo dadka ku dhaqan deegano hoosyimada Maamulka  Jubbaland oo ay abaari ka jirto Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay  in  deeqdan ka timid Madaxweynaha Jabuuti ay tahay mid loogu talagalay  abaaraha saaameyay dadka iyo duunyada ku dhaqan qeybo ka mid ah Jubbooyinka,  isagoo sidoo kale ugu baaqay safaaradaha kale ee ku sugan Soomaaliya iyo ganacsatada Jabuuti in ay ka qeyb qaatan gar gaarka loo sameenyo dadka ay abaaruhu saameyen. Wasiirudowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay inay wax badan ka teri doonto  deeqdan lacageed abaaraha ka jira qeybo ka mid ah Jubbooyinka, isagoo sidoo kale u mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaiil Cumar Geelle iyo shacabkiisa sida ay u garab taaganyihiin Ummada Soomaaliyed.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles