Waa Habeen ka mid ah Habeenada taariikhiga ah ee Soomaaliya gaar ahaan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe. Saacadu markii ay isku beegtay 7 dii fiidnimo ee xalay ayaa shir aan cadi aheen waxa isku yimid ergada shirka mamul usameynta gobolada Hiiraan iyo SHabeelaha dhxe shirka oo ku bilowday jawi dagan ayaa wasaarada arima gudaha waxa ay ku soo bandhigtay magacyo ku dhow 30 iyo nuuco calama kala duwan oo gaarayay ilaa boqolaal kuwaas ooa ay soo direen bulshada Soomaaliyeed markii lagu baahiyay baraha Bulshada. Codeyntii magacyada ayaa bilaabatay waxaana shirka daadihiniayy xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha Pro Yaxye Cali Ibraahim ilaa 11 magac oo laga soo xulay magacyadii ay bulshada soo direen ayay u codeeyay ergada kuwaas o isku raacay magaca dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe inuu noqdo HirShabeelle State. Mashxarad iyo murti ayaa wada qabsatay mar qura madasha shirka ee farjano markii la isku raacay magaca dowlad goboleedka HirShabeelle waxaa halku dhigu ahaa HirShabeelle waa hashiis. Markale ayaa loo dhaqaaqay in ergadu u codeeyaan Calanka maamulka HirShabeelle Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa soo bandhigtay ilaa boqolaal Calan oo kala duwan laakiin dood dheer iyo kan kan ayaa ka fiican waxa ay Ergadda Shirka isku Raaceen Calanka maamulka oo safeynaya [...]
↧